Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 11, 2018—- Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer howleed ku tegay wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha ballaaran ee wasaaraduhu u hayaan Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ku hor-maray Xarunta wasaaradda maaliyadda waxuuna kula kulmay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arimah Cafinta Deymaha oo maraya jiro wajigii ugu danbeeyay (SMP3).

Related posts

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa kadib booqday wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen wasiirka wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha.

R’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo indha-indheeyay Raadiyow Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), waxuuna warbixinno ka dhageystay agaasimayaasha raadiyaha iyo TV-ga oo uga warbixiyay sida howluhu u socdaan, intaas kadib Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka warfaafinta ayaa qaatay kulan gaar ah oo wasiirku uga warbixinayay wixii u qabsoomay tan iyo markii uu dhawaan la wareegay wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirada faray in ay laba jibbaaraan dadaallada si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah Soomaaliya oo mar labaad cagaheeda isku taagto, looguna gudbo horumar iyo barwaaqo.

R’iisul Wasaaraha ayaa sidaas oo kale kormeer ku tegay xarunta Gobalka Banaadir, isaga oo kulan la qaatay gudoomiyaha, kuxigeennadiisa iyo Xog-hayaha guud, oo uga warbixiyay horumaradii ugu danbeeyay ee gobalku ku tillaabsaday.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogteyna ee R’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, si mar waliba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha u yaalla.

—DHAMMAAD—-

 

Previous Post

Wasiirka Amniga oo Saxiixay Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska oo ay ku baxeyso in ka badan 40-Milyan “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo markii saddexaad oo xiriir ah u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo markii saddexaad oo xiriir ah u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo markii saddexaad oo xiriir ah u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka "SAWIRRO"

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In