Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska si uu ugu kuur galo habsami u socodka qorshayaasha hor-tebinta leh ee uu horay Wasiirku u ballan qaaday in loo fulin doono hannaanka ugu habboon iyo waqtiga ugu dhaqsaha badan.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la qaatay wasiirka Wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo uga warbixiyay hawlaha ka socda Wasaaradda ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirka faray in uu laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo dhammaystirka qorshayaasha qabyada u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxa uu sidaan oo kale kormeer ugu tegay Wasaaradaha Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Hawlaha guud, Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Ganacsiga, Dekadaha iyo Gaadiidka hawada.

Kormeerrada joogtada ah ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee R’iisul Wasaaruhu kula socdo shaqooyinka Wasiirada Xukuumadda iyo Hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka dhabta ah iyo daah-furnaanta.

Previous Post

Beelo ku dagaalay Galbeedka Kismaayo oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka hadlay Hindise sharciyeedka Hanti- dhowrka guud

Next Post
Barlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga xuduudaha

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka hadlay Hindise sharciyeedka Hanti- dhowrka guud

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

April 1, 2026
0

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In