Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska si uu ugu kuur galo habsami u socodka qorshayaasha hor-tebinta leh ee uu horay Wasiirku u ballan qaaday in loo fulin doono hannaanka ugu habboon iyo waqtiga ugu dhaqsaha badan.

 

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la qaatay wasiirka Wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo uga warbixiyay hawlaha ka socda Wasaaradda ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirka faray in uu laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo dhammaystirka qorshayaasha qabyada u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxa uu sidaan oo kale kormeer ugu tegay Wasaaradaha Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Hawlaha guud, Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Ganacsiga, Dekadaha iyo Gaadiidka hawada.

Kormeerrada joogtada ah ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee R’iisul Wasaaruhu kula socdo shaqooyinka Wasiirada Xukuumadda iyo Hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka dhabta ah iyo daah-furnaanta.

Previous Post

Beelo ku dagaalay Galbeedka Kismaayo oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka hadlay Hindise sharciyeedka Hanti- dhowrka guud

Next Post
Barlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga xuduudaha

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka hadlay Hindise sharciyeedka Hanti- dhowrka guud

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In