Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Guddiga Dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Dalka.

Related posts

Shirka oo looga hadlay dardar-gelinta dadaallada loogu jiro cafinta daynta lagu leeyahay dalka ayaa guddigu waxa ay Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigeen tallaabooyinka ay qaadeen, natiijooyinkii kasoo baxay kulamadii ay yeesheen guddigu iyo qorshahooda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray guddiga dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta in ay laba jibbaaraan dadaallada ayna ku taagnaadaan qorshaha dalka daynta looga cafinayo si loogu diyaar garoobo horumar ballaaran oo Soomaaliya ay kuy tillaabsato.

Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay ayaa ku guulaysatay dhammaan shuruudihii la hor dhigay, waxaana hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dhammaan dhinacyada dalka daynta ku leh ay ku ammaaneen hoggaanka dalka sida ay uga go’antahay in dalka daynta laga nadiifiyo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo looga hadlay horumarinta dhqaalaha dalka iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.

Next Post

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Welcome Back!

Login to your account below

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.