Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi kulan kula qaatay Danjire Danlami Ibrahim, Danjiraha Nigeria u fadhiya Kenya, isla-markaana ah Danjiraha aan degganayn (Concurrent Ambassador) u qaabilsan Soomaaliya.
Kulanka ayaa labada Danjire ay si qoto dheer uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Nigeria, iyo sidii loo sii horumarin lahaa danaha labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa Danjire Danlami Ibrahim uga mahadceliyay booqashadiisa iyo waqtiga uu u huray kulanka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria.
Bilaha soo socda ayaa labada dal waxa ay Qorsheynayaa inay qabtaan kulanka horumarinta ganacsiga ee labada dal, kaas oo ka kala dhici doono Soomaaliya iyo Nigeria. Fursadaan ayaa sare u qaadi doonta ganacsiga labada dal, gaar ganacsatada Soomaaliyeed oo ganacsigoodu uu horay ugu fiday dalalka Afrika.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.











