Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug ugu baaqay in guddiga ay kala shaqeeyaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran shir-weynaha dib-u-heshiisiinta

Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa mudda hal bil ku dhaw waxa ay Galmudug u joogaan dhismaha Galmudug sal adag oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarka dalka.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koonfur Afrika+Sawiro

Next Post

Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed oo xafiiska madaxtooyada maanta ku qaabiley wefdi ballaaran oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar+Sawiro

Next Post
Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed oo xafiiska madaxtooyada maanta ku qaabiley wefdi ballaaran oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar+Sawiro

Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed oo xafiiska madaxtooyada maanta ku qaabiley wefdi ballaaran oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar+Sawiro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In