Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kumannaan Dadwayne Ah Kula Hadlay Magaalada Caabuudwaaq Ee Gobalka Galguduud “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kumannaan Dadwayne Ah Kula Hadlay Magaalada Caabuudwaaq Ee Gobalka Galguduud “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Cadaado ayaa waxaa si heer sare ah magaalada Caabuudwaaq ugu usoo dhaweeyay Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno, Maamulka Caabduudwaaq iyo kumannaan dadwayne ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fagaaraha magaalada Caabuudwaaq waxa uu khudbad ugu jeediyay kumannaan dadweyne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ayaa khudbadda uu jeediyay uga hadlay qorshaha safarka uu ku marayo deegaannada Galmudug oo ku salaysan ka qayb qaadashada dhismaha maamulka Galmudug, waxa uuna gaarsiiyay farriin uu uga siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday reer Caabuudwaaq in ay qayb ka qaataan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, sal adag, ka shaqaysa danaha reer Galmudug, wada-shaqayn wanaagsanna ay kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado kulamo wadatashi ah kula soo yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta ayaa inta uu joogo Caabuudwaaq waxa uu sidoo kale la fariisanayaa bulshada deegaanka si ay taladooda ugu daraan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

 

Previous Post

FURSAD SHAQO HIRSHABELLE

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Yeeshay Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Caabuudwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Yeeshay Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Caabuudwaaq “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Yeeshay Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Caabuudwaaq "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In