Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Haweenka Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Haweenka Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kulan kula yeeshay qaar kamid ah haweenka ku nool magaalada.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Haweenka Dhuusamareeb ayaa looga hadlay diyaar garowga gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee la dhigay caasimadda Galmudug iyo in haweenku ay si buuxda uga qayb qaataan dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug, ayna soo dhaweeyaan martida magaalada imaanaysa, lana shaqeeyaan laamaha amniga dowladda federaalka.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo haweenka uu kulanla la yeeshay uga mahadceliyay firkadaha wanaagsan ee ka qayb qaadayana dhismaha iyo dhamaystirka hey’adaha dowlad gobaleedka Galmudug ayaa haweenka Soomaaliyeed ku ammaanay dowrkooda badbaadinta jiritaanka qarannimada, dib-u-heshiisiinta, is-dhexgalka iyo abaabulka bulshada, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaallada horumarinta bulshada.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay haweenka oo ay goob joog ka ahaayeen madaxa fulinta Galmudug iyo xildhibaanno ayaa qayb ka ah kulamo uu bulshada qaybaheeda kala duwan kula yeelanayay deegaannada Galmudug oo mudda toddobaad ah uu ku joogay safar uu qorshihiisu ahaa dardar-gelinta qorshaha dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Previous Post

Diyaaaradda Qatar Airways oo si rasmi ah u bilowday duulimaadyo toos ah Muqdisho iyo Doxa

Next Post

Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan “SAWIRRO”

Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In