Saturday, July 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway, Erna Solberg “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway, Erna Solberg “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Oslo, June 20, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Erna Solberg.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kawada hadlay adkeynta Xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, horumarka, maal-gashiga, kobcinta dhaqaalaha, iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Related posts

Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

July 4, 2026
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka NISA oo Howlgal Qorsheysan ku dilay 8 dhagarqabe

July 4, 2026

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u sheegay dhiggiisa dalka Norway, Erna Solberg in Dawladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay siyaasadda, dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa isaga oo ka codsaday dawladda Norway in taageero ballaaran ay la garab istaagto Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Erna Solberg ayaa soo dhaweysay horumarrada Baaxadda leh ee Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso, waxa ayna shaaca ka qaaday in Norway ay ka go’antahay garab istaagga Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dhanka kale kulan la qaatay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Norway Nikolai Astrup isaga oo kulamo looga hadlay qorshayaal muhiim u ah shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed horay ula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka arrimaha dibadda Norway iyo agaasimaha Xarunta Wadatashiga arimaha Bini’aadninimada.

 –DHAMMAAD—-

 

Previous Post

Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo faahfaahin ka bixiyey lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Addis-Ababa

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Addis-Ababa

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Addis-Ababa

Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

July 4, 2026
0

Afartaan Eedeysane, ayaa lagu Eedeyey Kamid Noqoshada Khawaarijta oo ay qaabilsanaayeen Fulinta Qaraxyada, Dilalka Gaadmada ah, Basaasid, Tashkiilin iyo Kala...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka NISA oo Howlgal Qorsheysan ku dilay 8 dhagarqabe

July 4, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

July 4, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan...

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:Munaasabadda sanad guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In