Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay in horumar laga sameeyey Amniga iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay in horumar laga sameeyey Amniga iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa daah furay shirka Qaran ee (Somali Partnership Forum) ee ka dhacay magaalada Muqdisho 4-ilaa 5-ta bishan December.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray, arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo banii’daamnimada, waxaana qeybta danbe shir guddoomineyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Iyadoo ay hadallo ka jeediyeen madaxda dawlad gobolleeyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Wakiillo ka socday bulshada Caalamka.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka hadlay horumaradii ay dawladdu gaartay 8dii bilood ee la soo dhaafay, waxaana uu sheegay in horumar ballaaran laga sameeyey dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha guud. Sidoo kale waxaa la muujiyey sida ay laga maar-maan u tahay in dalka ay ka dhacdo doorsho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Waxuuna ugu baaqay dalalka iskaashiga la leh Soomaaliya inay maalgashi ku sameystaan dalka, maadaama uu amnigu soo hagaagayo.

Madaxda shanta maamul Gobolleed ayaa dhankooda codsaday in laga caawiyo dhanka amniga iyo dhaqaalaha, si kor loogu horumarinta bulshada iyo dagaalka argagixisada.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa soo xiray shirka, isagoo ugu baaqay bulshada caalamka inay ka dhabeeyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarka la higsanayo.

Previous Post

Madaxweyne ku xiggeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka socday “Sawirro”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno”

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno”

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In