Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gaba gabeeyey wajiga labaad ee Barnaamijka uu kula xisaabtayey xubnaha Golaha Wasiirada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.
Wasiiradda maanta Ra’iisul Wasare Khayre uu shaqsi shaqsiga ula xisabtamay ayaa kala ah, wasiirKa Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshadda, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Amniga, iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha , isagoo Wasiir kasta oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo Wasiirada ku cusub Xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorshe hawleedkooda.
Wasiirrada ayaa Ra’iisul Wasaaraha usoo bandhigay waxyabaha u qabsoomay iyo qorshe hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsoomay.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Xaamud ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in isla xisaabtanku uusan ku ekayn kaliya Wasiirada balse cid kasta lala xisaabtami doono oo dowladda mas’uuliyad u haysa.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay Wasiirrada si ay isula ogaadaan qorshe hawleedka Wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka yahay howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka Wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha Xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, Hufnaan iyo Daah-furnaan.
Nasra Bashir Cali