Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay agaasimaha Guud ee UNESCO, Audrey Azoulay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay agaasimaha Guud ee UNESCO, Audrey Azoulay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska, Audrey Azoulay oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Kadib kulanka oo looga hadlay horumarinta wada shaqeynta Soomaaliya iyo UNESCO, ayaa wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre oo qayb ka ahaa shirka iyo Audrey Azoulay waxay kala saxiixdeen heshiis Soomaaliya iyo UNESCO isaga kaashanayaan hurumarinta waxbarashada ayadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga eh.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in Soomaaliya ay aaminsantahay in dhaqanku qeyb ka yahay sooyaalka bulshada iyo jiritaankeeda, islamarkaana muhiim u yahay horumarka iyo hiigsiga mustaqbalka isaga oo intaa raaciyay in Soomaaliya u taagantahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeeya UNESCO. Soomaaliya ayaa UNESCO xubin ka aheyd laga soo billaabo 1960kii.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ku biiridda Soomaliya ee cahdiyada UNESCO ee 1972 iyo 2003 waxey horseed u noqon doonaan in la dhowro goobaha taariikhiga ah, dib loo nooleeyo hiddo-dhaqameedka, laguna daro Diiwaanka caalamiga ah ee goobaha taariikhiga ah ee caalamka.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay “SAWIRRO”

Next Post

Bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan oo taageeray waxqabadka dowladda

Next Post
Bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan oo taageeray waxqabadka dowladda

Bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan oo taageeray waxqabadka dowladda

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In