Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre, Safiirrada Turkiga iyo Qatar, maamulaha Shirkadda Enez iyo Taliyaasha Ciidanka Oo Kulan Ka Yeeshay Dardar Gelinta Mashuurca Dhismaha Wadada Muqdisho Iyo Afgooye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Bulshada Ku Nool Magaalada Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirrada dalalka Turkiga iyo Qatar, maamulaha Shirkadda Enez iyo taliyaasha booliiska iyo xoogga oo uu wehliyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dardar gelinta mashruuca dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya, waxaana la isla gartay in argagaxisada aysan hor-joogsan karin mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray Taliyaasha ciidanka ee kulanka ka qayb galay inay la yimaadaan hannaanka ugu haboon ee lagu xaqiinayo ammaanka si howl wadeennadu ay si dhaqsa ah ugu soo gebagebeeyaan dhismaha waddada oo muhiim u ah isu socodka bulshada, horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Safiirrada Turkiga iyo Qatar ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalkiisa ku aaddan bed-qabka howl wadeennada shaqada ku jira iyo ka mira dhalinta mashruuca dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye, kaas oo qeyb ka qaadanaya gaaritaanka himilooyinka Ummadda Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Sanduuqa horumarinta Qatar ayaa maal geliyay mashruuca dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye, oo dhismihiisa ay fulineyso Shirkadda Enez oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay kulan gaar ah la qaatay maamulaha shirkadda, Seracettin Aksun ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha waddada.

Previous Post

Qaramada Midoobay oo sheegtay Inaan ciidamo nabad Ilaalin caalami ah loo diri doonin Liibiya

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo dib u dhis casri ah lagu sameynayo “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo dib u dhis casri ah lagu sameynayo “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo dib u dhis casri ah lagu sameynayo “SAWIRRO”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In