Monday, June 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre: “Waa in aan aqbalnaa in aan ku jirno  xaalad aan caadi ahayn”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
DAAWO Ra’iisul Wasaare Khayre oo caawa ka hadlay COVID-19  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caawa ka hadlay dhibaatada Caabuqa Corona iyo cudurka ka dhasha ee loo yaqaan COVID19, saameynta uu dalkeenna ku yeelan karo, iyo sida looga gaashaaman karo.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in cudurkaan uu qaar kamid ah dalalka caalamka ugu horumarsan dhaqaalaha, aqoonta, tiknoolajiyadda iyo adeegyada bulshada ee uu caafimaadku ugu horreeyo, sababta uu sidaas ugu faafana ay tahay inay yaraysteen xajmiga cudurka iyo deg- degsiiyaha uu ku fidi karo.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta, sidoo kale ganacsatada ayuu  ugu baaqaya inaan la kordhin sicirka raashinka daruuriga ah, Wasaaradda Maaliyaddana waxuu faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka inta dhibkani socdo, Bulshadana waxuu ka codsaday inay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago qatarta ballaan ee COVID19

Ra’iisul Wasaaraha waxuu caddeeyay daawada ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda la isku raacsan yahay waa ka hortagga, Guusha ama fashilka dadaallada ka hortaggana ay marka ugu horreeysa illaa iyo xad ku xiran yihiin qofka ama shakhsiga, iyada oo ay muhiimaddeeda leedahay dhaqanka Ummadeed iyo sida ay ugu hogaansamaan qorshayaasha iyo talooyinka Madaxdooda iyo howl-wadeennadooda caafimaadka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku celiyay in illaa amar dambe xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, waxuuna sidoo kale caddeeyay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka ka badan 5 qofood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Nuur Xasan Xuseen, Nuur Cadde oo cudurkan ugu geeriyooday dalka Ingiriiska, Waxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cudurkan ugu geeriyooday daafaha caalamka, gaar ahaan dalalka Sweden, Ingiriska, Denmark, Norway iyo meelaha kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay inay muhiim tahay  in la xoojiyo foojignaanta Maadaama uu cudurkani si xooggan ugu soo badanayo Geeska Afrika

“Waa inaan aqbalnaa in aan ku jirno  xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsanaa in cudurkani dhab yahay sidaa daraadeed waa inaan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno. Cudurkan sida saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Walaalayaal aan si wadajir ah uga shaqayno badbaadinta ummaddeenna iyo jebinta cudurkan saf-marka ah.  Awoodda dawladnimo oo dhan ayaan u isticmaali doonnaa si aan ummaddeenna uga badbaadinno saameeynta cudurkan.  Waa inaan samaynaa diyaar garowga ugu badan iyo kahortagga ugu mudan”, ayuu sidoo kale Codsaday Ra’iisul Wasaaruhu.

“Si looga hor tago cudurkan kuma filno dawladda Federaalka kaligeed, kuma filna, madaxda dawlad-goboleedyada kaligood. Waxaannu u baahannahay garabkiinna, dhegihiinna, qalbigiinna, xooggiinna iyo waa tan ugu muhiimsane dareenkiinna oo buuxa”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Xasan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladdu ay ka shaqayn doonto inay hergeliso qorshe lagu kabayo dhaqaalaha dalka, ganacsatada iyo deeq bixiyayaashana ay wadahadal kala geleyso sidii xal loogu heli lahaa saamaynta dhaqaale ee dalka ku imaan doona.

Previous Post

DAAWO Ra’iisul Wasaare Khayre oo caawa ka hadlay COVID-19  

Next Post

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Ra’isul Wasaarihii Hore Nuur Cadde

Next Post
Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Ra’isul Wasaarihii Hore Nuur Cadde

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Ra’isul Wasaarihii Hore Nuur Cadde

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In