Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre: “Waa in aan aqbalnaa in aan ku jirno  xaalad aan caadi ahayn”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 1, 2020
in Wararka
0
DAAWO Ra’iisul Wasaare Khayre oo caawa ka hadlay COVID-19  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caawa ka hadlay dhibaatada Caabuqa Corona iyo cudurka ka dhasha ee loo yaqaan COVID19, saameynta uu dalkeenna ku yeelan karo, iyo sida looga gaashaaman karo.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in cudurkaan uu qaar kamid ah dalalka caalamka ugu horumarsan dhaqaalaha, aqoonta, tiknoolajiyadda iyo adeegyada bulshada ee uu caafimaadku ugu horreeyo, sababta uu sidaas ugu faafana ay tahay inay yaraysteen xajmiga cudurka iyo deg- degsiiyaha uu ku fidi karo.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta, sidoo kale ganacsatada ayuu  ugu baaqaya inaan la kordhin sicirka raashinka daruuriga ah, Wasaaradda Maaliyaddana waxuu faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka inta dhibkani socdo, Bulshadana waxuu ka codsaday inay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago qatarta ballaan ee COVID19

Ra’iisul Wasaaraha waxuu caddeeyay daawada ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda la isku raacsan yahay waa ka hortagga, Guusha ama fashilka dadaallada ka hortaggana ay marka ugu horreeysa illaa iyo xad ku xiran yihiin qofka ama shakhsiga, iyada oo ay muhiimaddeeda leedahay dhaqanka Ummadeed iyo sida ay ugu hogaansamaan qorshayaasha iyo talooyinka Madaxdooda iyo howl-wadeennadooda caafimaadka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku celiyay in illaa amar dambe xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, waxuuna sidoo kale caddeeyay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka ka badan 5 qofood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Nuur Xasan Xuseen, Nuur Cadde oo cudurkan ugu geeriyooday dalka Ingiriiska, Waxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cudurkan ugu geeriyooday daafaha caalamka, gaar ahaan dalalka Sweden, Ingiriska, Denmark, Norway iyo meelaha kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay inay muhiim tahay  in la xoojiyo foojignaanta Maadaama uu cudurkani si xooggan ugu soo badanayo Geeska Afrika

“Waa inaan aqbalnaa in aan ku jirno  xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsanaa in cudurkani dhab yahay sidaa daraadeed waa inaan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno. Cudurkan sida saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Walaalayaal aan si wadajir ah uga shaqayno badbaadinta ummaddeenna iyo jebinta cudurkan saf-marka ah.  Awoodda dawladnimo oo dhan ayaan u isticmaali doonnaa si aan ummaddeenna uga badbaadinno saameeynta cudurkan.  Waa inaan samaynaa diyaar garowga ugu badan iyo kahortagga ugu mudan”, ayuu sidoo kale Codsaday Ra’iisul Wasaaruhu.

“Si looga hor tago cudurkan kuma filno dawladda Federaalka kaligeed, kuma filna, madaxda dawlad-goboleedyada kaligood. Waxaannu u baahannahay garabkiinna, dhegihiinna, qalbigiinna, xooggiinna iyo waa tan ugu muhiimsane dareenkiinna oo buuxa”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Xasan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladdu ay ka shaqayn doonto inay hergeliso qorshe lagu kabayo dhaqaalaha dalka, ganacsatada iyo deeq bixiyayaashana ay wadahadal kala geleyso sidii xal loogu heli lahaa saamaynta dhaqaale ee dalka ku imaan doona.

Previous Post

DAAWO Ra’iisul Wasaare Khayre oo caawa ka hadlay COVID-19  

Next Post

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Ra’isul Wasaarihii Hore Nuur Cadde

Next Post
Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Ra’isul Wasaarihii Hore Nuur Cadde

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Ra’isul Wasaarihii Hore Nuur Cadde

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In