Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waa In Aan Leenahay Qorsha Shaqo Oo u Adeegaaya Dadka Oo Dhan” +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre “Waa In Aan Leenahay Qorsha Shaqo Oo u Adeegaaya Dadka Oo Dhan” +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeeeray xarumaha wasaaradaha Jubaland ee arrimahha gudaha, maaliyadda, Dalxiiska, kalluumaysiga, xanaanada xoolaha, Hawlaha Guud iyo Dastuurka, ayaa sheegay in yagleelidda qorsha shaqo oo dadka oo dhan u adeegaya uu muhiim u yahay mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed iyo wada shaqaynta dawladda federaalka iyo guud ahaan dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah.

Kormeerka oo ay Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyeen madaxwaynaha Jubaland, wasiirrada amniga iyo Kaluulaysiga XFS, taliyeyaasha ciidanka Booliiska iyo milateriga ayaa qorshihiisu ahaa u kuur gelidda shaqooyinka ka socda wasaaradaha, caqabadaha iyo baahiyaha ka jira.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

“Waxaan aad ugu faraxsanahay hadda in aan leenahay nidaan cusub oo lagu shaqeeyo, maadaama marka aan kulligeen hal dal wada nahay, dawlad nahay Soomaaliyeed, dad Soomaaliyeed u adeegno, horta waa inaan si waxa yar ee aan haysanno loogu bixiyo sida ugu habboon ugu hufan, dadkana loo gaarsiiyo waa in aan leennahay qorsha shoqo oo u adeegaaya dadka oo dhan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Maadaama dawladdu ay leedahay nidaam ay ku shaqayso aanna billaawnay dawlad gobaleedyada dhan in aan u drino wasiirro iyo hawl-wadeenno, waxa aan rabnaa in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirrada ila scoda iyo adinku aad keentaan qorshayaal wax ku ool ah si marka aan laabanno aan ula laabanno shaoqooyin aan qaban karno oo aan isku ognahay adinka iyo annaga”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa lix kamid ah wasaaradaha uu maanta kormeeray oo leh xaruma cusub oo ay ku shaqeeyaan waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu dhagax dhigay sannadkii 2017-kii, xilligaas oo Kismaayo lagu qabtay shirka golaha wasiirrada.

 

Previous Post

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo Kulan ku yeeshay Magaaladda Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya “Sawirro”

Next Post
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya “Sawirro”

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya “Sawirro”

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In