Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee Boqortooyada Midawdey ee (UK) Ms Priti Patel oo ay ka wada hadleen horumarka cusub ee Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaana si gaar ah diiradda lagu saaray kulanka maalgashiga iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo sida UK ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya.