Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiiradda Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Saxitaan Go’aanadii Golaha Wasiirada ee 11ka May 2017
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre,  ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo arrimo kale,  waxaana warbixino looga dhageystay kulankaasi Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa warbaahinta uga warbixiyey kulanka Golaha wasiiradda ay yeesheen, waxaana uu sheegay in Golaha warbixinadii lasoo hordhigay ee Amniga ku saabsan ay kamid yihiin in Shaqsi 60 jir ah oo ku nool Gobolka Shabeellaha hoose uu la dagaalamay Maleeshiyaad Nabad diidka Alshabaab ka tirsan, kadib markii ay isku dayeen inay ka qaadaan Lacago baad ah, islamarkaana uu iska dhiciyey.

“Golaha waxay warbixino ku aadan xaaladda dalka uu marayo ka dhageysteen Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga, iyaggoo sheegay in ay socdaan dadaalo badan oo amniga ku saabsan, lana sii kordhin doono, Wasiirka Amniga waxuu uga mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyaan hay’addaha Amaanka iyo xogaha ay siiyaan, sidoo kale waxa uu xusay Shaqsi Lixdan jir ah oo jooga Gobolka Sh/hoose inuu la dagaalay Maleeshiyada Alshabaab, iskana dhiciyey, taasna waxay ku tusineysaa in Shacabka uu u istaagay in amnigooda ay ilaashadaan” ayuu yiri Wasiir Eng Yariisoow

Wasiirka oo sii hadlayey, ayaa sheegay in sidoo kale Golaha wasiiradda ay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, isaggoo golaha u sheegay in wasaaradda ay wado dadaalo dib u habeyn loogu sameynayo Wasaaradda Difaaca iyo howlaheeda.

” Wasiirka Gaashaandhigga waxuu ka hadlay dib u habeyn lagu sameynayo Wasaaradda gaashaandhigga iyo Howlaheeda, ha noqoto qorshaha u dagsan iyo Xeerka anshaxa Ciidanka Xoogga dalka oo isaguna si wanaagsan u socdo, intaas ka dib wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshadda ayaa waxuu soo hordhigay golaha Wasiiradda Sharciga shaqaallaha Rayidka ee Dowladda oo dib u habeyn lagu sameeyey” siddaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

 

Previous Post

Trump says US could stay in Paris climate accord

Next Post

G/sare Koofi oo Kormeeray Xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku leedahay Boosaaso

Next Post
G/sare Koofi oo Kormeeray Xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku leedahay Boosaaso

G/sare Koofi oo Kormeeray Xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku leedahay Boosaaso

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In