Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir guddoomiyay shirka horumarinta Dhaqaalaha.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir guddoomiyay shirka horumarinta Dhaqaalaha.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay shir guddoomiyay shirka Hormarinta dhaqaalaha Dalka, kaas oo looga hadlay horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhacay Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray horumarada Maaliyadeed ee Dalka, iyadoona ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada ku lugtaleh arimaha dhaqaalaha xukumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda ,Qorsheynra , Beeraha iyo Xubno kale oo kamid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Abdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hordhigay R/Wasaaraha iyo Wasiiradii ka qeybgalay shirka warbixin ku sabsan horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya, isla markaana ay dhawdahay rajada laga qabo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Mr Beyle ayaa sidoo kale faahfaahin ka siiyay shirka qorshayaasha Wasaaradda Maaliyadda ee kobaca Dakhliga iyo diyaarinta Miisaaniyadda Cusub ee 2019 ilaa iyo 2020.

Shirka dhaqaalaha Xukumadda ee todobaadlaha ah waxaa sii dheer shirar joogto ah oo ka dhaca gudaha Wasaaaradda Maaliyadda Soomaliya kuwaasoo lagu hormarinayo Dhaqaalaha iyo in la gaaro Hadafka Soomaaliya ee ah in isku filnaasho Dhaqaale.

Previous Post

Aqoon is weydaarsi ku saabsan ka qaybgalka dhalinyarada ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay +Sawirro

Next Post

Culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio oo Baaq ka soo saaray Colaada Gobolka Sool.

Next Post
Culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio oo Baaq ka soo saaray Colaada Gobolka Sool.

Culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio oo Baaq ka soo saaray Colaada Gobolka Sool.

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In