Sunday, November 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Kheyre oo u Ambabaxay Dalka Turkiga

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Kheyre oo u Ambabaxay Dalka Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dowlada aan walaalanahay ee Turkiga.

Mudane Xasan Cali Kheyre waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga lagu wado inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo qaabilay wafdi ka socda shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya

Madaxweynaha JFS oo qaabilay wafdi ka socda shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya

November 22, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo bogaadin ugu tagay Hobollada Qaranka Waaberi

Wasiirka Warfaafinta XFS oo bogaadin ugu tagay Hobollada Qaranka Waaberi

November 22, 2026

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya, sida dowlada Turkiga ay kaga qeyb qaadan karto dagaalka dalka looga xureynayo Argagaxisada Al shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ayaa uga mahad celin doona Madaxweynaha Turkiga gurmadka shacabka iyo dowlada Turkiga ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed ee waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Previous Post

Akhriso Warbixin: Dhamaadka Al shabaab!!!

Next Post

Mashruuc Biyo dhaamin ah oo laga Daahfuray Magaalada Baydhabo

Next Post
Mashruuc Biyo dhaamin ah oo laga Daahfuray Magaalada Baydhabo

Mashruuc Biyo dhaamin ah oo laga Daahfuray Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha JFS oo qaabilay wafdi ka socda shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya

Madaxweynaha JFS oo qaabilay wafdi ka socda shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya

November 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo bogaadin ugu tagay Hobollada Qaranka Waaberi

Wasiirka Warfaafinta XFS oo bogaadin ugu tagay Hobollada Qaranka Waaberi

November 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo maanta kormeer ku tegay xarunta Tiyaatarka Qaranka...

WARBIXIN: Amniga Soomaaliya oo soo hagaagaya 74%

WARBIXIN: Amniga Soomaaliya oo soo hagaagaya 74%

November 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Global Safety Report oo ah hay’ad cilmi-baaris oo amniga Caalamka xog-uruurin ku sameysa ayaa soo saartay warbixin amniga...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 7-aad ee Gaadiidka Cirka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 7-aad ee Gaadiidka Cirka Adduunka

November 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kaga qaybgalay Shirweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In