Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Uganda ugu hambalyeeyay 55 guuradii ka soo wareegtay xornimadooda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 9, 2017
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiga dib u eegista Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munasabadaan oo lagu xusayey 55 sano guuradii ka soo wareegtay markii dalka Uganda uu ka xoroobey gumeystihii  Ingiriiska ayaa maanta lagu qabtay xarunta safaradda Uganda ee magalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay  Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre, Wasiiro, Xildhibaanno  iyo safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya.

Safiirka  dowladda Uganda ee Soomaaliya ayaa xustay in Soomaaliya iyo Uganda uu ka dhaxeeyo xariir soo jireen ah,  kuna dhisan iskaashi qota dheer, tasina  ay keentay in ciidamadeenu ay ka qayb qataan Nabadeynta Soomaaliya oo hadda ka jirta xaalad wanaagsan oo an ugu hambalyeynayo dowladda Soomaaliya.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

August 11, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali ayaa  dowladda iyo shacabka Uganda  u diray Hambalyo uu ka siday Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna  xusay in loo bahan yahay in sare loo qado qiyamka Afrika oo ah riyooyinkii Awooweyaasheenna.

“55 sano markii calanka Uganda laga taagay magaalada Kampala oo ku soo biirtay dalal Soomalida ka mid tahay oo ka xoroobay gumeystihii,  ka Afrikaan ahaan xoriyadda dalalkeena ayay  noo tahay mid qiimo weyn noo leh, maantana waxaan halkaan ka xuseynaa  Aabiyaashii aas aasay xoriyadda maanta, kuwaas oo u istaagay in ay wax kasta u bixiyaan sidii loo heli lahaa dowladnimada anaga leenahay.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa yiri “Waxaana la joogaa waqtigii aan u istaagi laheyn, waxa aan xaqa u leenahay si aan u dhabeyno qiyamkeena oo ah Afriaanimada,  dowladda Uganda waxa ay ku leedahay qeyb kamid ah taariikhda Soomaaliya maadaama ay caawisay Soomaaliya arintaas ayaana anaga ugu mahad naqaynaa”.

“Markii dowladda Uganda ay go’aansatay in ciidankeeda keento Soomaaliya 2007, Ciidankaas geesiyaasha ah oo la shaqeynaya kuwa Soomaalida iyo dalalka kale ee ciidanka ku deeqay,  waxaa ay ka shaqeeyeen sidii Nabada iyo xasiloonida loogu soo celin lahaa dalka oo muddo dheer oo deganaansho la’aan ah soo martay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadalkiisa ku daray “Waxaan ugu mahadnaqeynaa arrintaas  oo micno weyn noogu fadhisa, maanta anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan garowsanahay qiimaha ay na siiyeen dhammaan ciidanka ajnabiga ah oo naftodoa ku waayay safarka Nabad u raadinta Soomaaliya”.

Taliyaha Ciidanka Amisom  Cusmaan Nuur Subagle sheegay  in Soomaaliya ay tahay  Hooyada xoraynta Africa, ciidamada ka socda Midowga Africa ay yihiin kuwa gudanaya abaalkii ay horay ugu samaysay dowladda Soomaaliya.

 

Previous Post

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray ciidamo ku sugan deegaanka Bariire “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay xubno ka socday Qurba Joogta “SAWIRRO”

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweynaha oo dar daaran u jeediyay Qurbo joogta

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay xubno ka socday Qurba Joogta "SAWIRRO"

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

August 11, 2025
0

Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, met on Sunday evening (August 10) in Algiers...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

August 11, 2025
0

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha...

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In