Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskisa ku qaabilay David William Concar oo ah Safiirka UK ee Soomaliya, kaasi oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka tariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Amniga iyo dhaqalaha.
Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr Concar ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey horumarada ay ka samaysay dowlad wanaagga, la dagaallanka musuq maasuqa iyo sugidda Amniga.
Dhanaca kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xafiiskisa isla manta kulan kula yeeshay xubno ka socday Midowga Yurub, kaa oo looga hadlay horumarinta iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee ku aadan dar-dar galinta mashaariicda horumarineed ee ay Soomaaliya ka wadaan.