Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeeenka oo soo xiray shir looga hadlayay joojinta gudniinka fircooniga ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeeenka oo soo xiray shir looga hadlayay joojinta gudniinka fircooniga ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ahaa Aqoon isweydaarsi Caasimadda Mqudisho ka socday muddo shan mamalmood ah, islamarkaana looga hadlayay joojinta Gudniinka Fircooniga ah ayaa ka qeybgalayaasha oo ka kala socday qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Fedraalka ah, Culimaa’udiinka, Warbaahinta iyo Dwolad Goboleedyada  waxa ay isku raaceen arrimo ay kamid yihiin in Warbaahinta iyo Culimadu kor uqaadaan wacyigelinta ka dhanka Tacadiyada Gudniininka iyo in Dowladda Fedraalka iyo Dowlad Goboleedyada talaabo ka qaadaan kuwa sameeya Gudniinka Fircooniga, iyadoo la soo saarayo sharciyo arrintaasi lagu xakameynayo .

 

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Xiritaanka shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay kamid yihiin Raiisul Wasaare ku xigeenka dalka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka ah iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Soomaliya.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa kulanka ka sheegay in Xafiiskiisu gal dacwadeed u furay kiiska gabar 10-jir ah oo dhawaan Gobolka Galgaduud ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray Gudniin lagu sameeyay, wuxuuna sheegay in baaritaanka iyo dacwada kiiskan ay hormuud ka yihiin Laanta dambi baarista Soomaaliya iyo Booliska ka howlagala Galmudug, markii ay howshaas soo dhamaatana loo gudbin doono maxkamad.

Ifraax Axmed oo ah Agaasimaha Hay’adda Ifraax Foundation oo soo qaban qaabisay kulankan ayaa codsatay in lagu garab galo hay’adeeda ololahan lagu joojinayo Tacadiyada dhinaca Gudniinka ah.

“Hadii aan helno tagaeeradiina waxaan ka shaqeyn karnaa badbaadinta gabdheheena maalin walba u dhimanaya gudniinka, sidaa sarteed waa inaan loo kala harin Culimo, Warbaahin iyo dowladba joojinta gudniinkan” ayay tiri Ifaarx Axmed.

Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamed oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka ah ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay sameynta sharciyo adag oo lagu wajahayo Gudniinka Fircooniga ah, wuxuuna balan qaaday inuu ka qeyb qaadanayo meelmarinta sharciyadaas.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ugu dambeyntii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan raali ka aheyn Gudniinka Fircooniga ah, uuna tacadi ku yahay gabdhaha, isagoo sheegay in wax ka qabashada arrintaasina Xukuumaddu ay xooga saareyso.

Soomaaliya ayaa la sheegaa inay ka mid tahay dalalka gudniinka Fircooniga ah uu weli kajiro inkastoo dadaalo iyo wacyigalin arrintaasi ka dhan ah wadaan Dowladda Soomaaliya, Culimaa’udiinka iyo Hay’ado u ololeeyo joojinta tacadiyada gudniinka.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray Arday u fariisatay Imtixaanka ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir ku saabsan Manhajka wacyigelinta Doorashada “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir ku saabsan Manhajka wacyigelinta Doorashada “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir ku saabsan Manhajka wacyigelinta Doorashada "SAWIRRO"

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In