Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeen: “Xukuumadda waxa ay xoogga saareysaa wax u qabashada dadka naafada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in Xukuumaddu ay xoogga saari doonto sidii daryeel ay u heli lahaayeen dadka bulshada unugul gaar ahaan naafada, kana dalbaday Wasaaradda caafimaadka in ay hagaajiso xarumaha caafimaadka, si loogu adeego bulshada.

Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka hadlayay munaasabad shaqsiyaad u dhaq dhaqaaqa xaquuqda dadka aan lixaadooda dhameystirneyn lagu abaalmarinayay ayaa xusay in Xukuumadda ay ilgaar ah siineyso wax u qabashada dadka tabaaleysan, gaar ahaan naafada oo ku sheegay inay tahay waajibaad qofkasta oo muwaadin ah ay ka saarantahay.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“In dadka aan lixaadooda dhameystirneyn loo istaago oo wax loo qabto, waa mid waajib nagu ah, hooyinka ayaa inta badan dhibka dadka dhimirka la’ la qeybsada, marka waxaan dooneynaa in wixii aan ka qaban karno aan ka qabano, dadka kale arrimahan wax ka qaban karo dhankooda ay u istaagaan, oo Wasaardda caafimaadkana ay gacan ka geysato sidii dib loo furi lahaa isbitaalka dadka dhimirka la’.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Wasiirka caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in Wasaaradda ay waddo siyaasadda Qaranka ee dhanka caafimaadka, isla markaana ay qorshaha ugu jirto sidii dadka naafada ah ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo dhameystiran.

“Wasaaradda caafimaadka waxa ay idin balan qaadeyso in wixii ay ka qaban karto daryeelka caafimaadka ay idinla diyaartahay, waxaan qorsheyneynaa in aan dib u howlgelino isbitaalada oo aan qalabeyn iyo tababar siino howlwadeenada caafimaadka, si dadku ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Drs Xaawo.

Previous Post

Cabasho ku aadan wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Afbarwaaqo oo isa soo tareysa

Next Post

Kulan lagu heshiisiinayo beelo dagaallamay oo ka furmay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post
Kulan lagu heshiisiinayo beelo dagaallamay oo ka furmay Jowhar “SAWIRRO”

Kulan lagu heshiisiinayo beelo dagaallamay oo ka furmay Jowhar “SAWIRRO”

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In