Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeen: “Xukuumadda waxa ay xoogga saareysaa wax u qabashada dadka naafada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 26, 2015
in Wararka
0
RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in Xukuumaddu ay xoogga saari doonto sidii daryeel ay u heli lahaayeen dadka bulshada unugul gaar ahaan naafada, kana dalbaday Wasaaradda caafimaadka in ay hagaajiso xarumaha caafimaadka, si loogu adeego bulshada.

Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka hadlayay munaasabad shaqsiyaad u dhaq dhaqaaqa xaquuqda dadka aan lixaadooda dhameystirneyn lagu abaalmarinayay ayaa xusay in Xukuumadda ay ilgaar ah siineyso wax u qabashada dadka tabaaleysan, gaar ahaan naafada oo ku sheegay inay tahay waajibaad qofkasta oo muwaadin ah ay ka saarantahay.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“In dadka aan lixaadooda dhameystirneyn loo istaago oo wax loo qabto, waa mid waajib nagu ah, hooyinka ayaa inta badan dhibka dadka dhimirka la’ la qeybsada, marka waxaan dooneynaa in wixii aan ka qaban karno aan ka qabano, dadka kale arrimahan wax ka qaban karo dhankooda ay u istaagaan, oo Wasaardda caafimaadkana ay gacan ka geysato sidii dib loo furi lahaa isbitaalka dadka dhimirka la’.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Wasiirka caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in Wasaaradda ay waddo siyaasadda Qaranka ee dhanka caafimaadka, isla markaana ay qorshaha ugu jirto sidii dadka naafada ah ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo dhameystiran.

“Wasaaradda caafimaadka waxa ay idin balan qaadeyso in wixii ay ka qaban karto daryeelka caafimaadka ay idinla diyaartahay, waxaan qorsheyneynaa in aan dib u howlgelino isbitaalada oo aan qalabeyn iyo tababar siino howlwadeenada caafimaadka, si dadku ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Drs Xaawo.

 

 

Previous Post

Cabasho ku aadan wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Afbarwaaqo oo isa soo tareysa

Next Post

Kulan lagu heshiisiinayo beelo dagaallamay oo ka furmay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post
Kulan lagu heshiisiinayo beelo dagaallamay oo ka furmay Jowhar “SAWIRRO”

Kulan lagu heshiisiinayo beelo dagaallamay oo ka furmay Jowhar “SAWIRRO”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In