Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqasho ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqasho ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Mudane Mahdi ayaa waxaa Wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf (Al-Caddaala) iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaaradda.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa intaa ka dib waxa uu kulan la qaatay Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Sh. Yuusuf (Al-caddaala), isagoo ka dhagaystay war bixin ku aaddan howlaha shaqo ee ay wasaaraddu u hayso Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa kulanka kaddib booqday qaybaha kala duwan ee ay Warbaahinta Qaranka ka koobantahay oo uu ugu horreeyo kaydka baaxadda weyn ee Radio Muqdisho, isagoo bogaadiyay howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda.

“Waxaa farxad weyn ii ah in wasaaradda warfaafinta aan eego habka shaqada ay ugu socoto Wasaaradda, Wasiirka Agaasimaha guud iyo Agaasimayaasha waxaan soo kormeernay qaybaha kala duwan ee Wasaaradda , waxaan ku ammaanayaa howl wadeennada keydka sida ay u xafideen taariikhda Ummada Soomaaliyeed “ayuu yiri Mudane Mahdi.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa intaa raaciyay in sanadkan 2018-ka uu yahay sanadkii shaqada iyo wax qabadka, wuxuuna howl-wadeennada ku boorriyay inay la yimmaadaan howlkarnimo dheeri ah, wuxuuna sheegay inay wasaaradda Warfaafintu tahay hagaha iyo jiheeyaha Ummada Soomaaliyeed, waxanay ku jirtaa kaalin muhiim ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa howl wadeennada Wasaaradda wuxuuna kula dardaarmay inay dedaalkooda sii laba jibbaaraan, wuxuuna faray dhabar adayg iyo inay ka dhabaeeyaan hal ku dhigga ah hadal yar iyo howl badan.

 

Previous Post

Safaaradda Masar oo deeq Dawo ah ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Guddiyo Waxbarashada qaabilsan oo tababar loogu soo xiray Gaalkacyo

Next Post
Daawo Sawirrada: Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Ku xigeenkiisa oo la doortay

Guddiyo Waxbarashada qaabilsan oo tababar loogu soo xiray Gaalkacyo

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In