Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u soo agaasimay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo kaashanaya hay’adaha ay khusayso nidaamyada dijitaalka ah.

Furitaanka shirweynaha waxaa ugu horreyn khudbad ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Xildhibaan Maxamed Soomaali oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) iyo doorka ay ku leeyihiin dhismaha dowlad casri ah. Wasiirku wuxuu sharaxay aragtida guud ee qorshaha, mudnaanta la siinayo nidaamyada mideysan, iyo baahida loo qabo fulin leh jadwal cad iyo natiijooyin la cabbiri karo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Intaas kadib, Wasiirku wuxuu kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo si rasmi ah u furay shirweynaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaal dijitaal oo mideysan, ammaan ah, isla markaana fududeynaya helitaanka adeegyada dowladeed, isaga oo xusay in DPI ay laf-dhabar u noqon doonto hannaanka dowladnimo ee ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan.

Shirweynahan wuxuu astaan u yahay isbeddel istaraatiiji ah oo dalka ka saaraya mashruucyo dijitaal oo kala go’an, kuna hagaya nidaam qaran oo isku xiran oo leh jihayn mideysan. Ma aha kulan ku eg hadal iyo aragti is-weydaarsi, balse waa bilow rasmi ah oo lagu dhisayo kaabayaal dijitaal oo waara.

Intii uu socday shirka, waxaa la qabtay doodo furan iyo soo jeedino wax ku ool ah oo ay ka dhiibteen mas’uuliyiinta dowladda, bangiyada, shirkadaha isgaarsiinta, khubaro tiknoolajiyadeed iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah. Doodahaasi waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loo dardargelin lahaa sharciyeynta nidaamyada dijitaalka ah, loona hubin lahaa in kaabayaashu noqdaan kuwo loo dhan yahay oo dalka oo dhan gaara.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa la filayaa inuu noqdo saldhigga qorshe Qaran oo mideysan, kaas oo Soomaaliya u horseeda horumar dijitaal oo la jaanqaadi kara isbeddelka tiknoolajiyadeed ee caalamka.

Previous Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In