Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u soo agaasimay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo kaashanaya hayโ€™adaha ay khusayso nidaamyada dijitaalka ah.

Furitaanka shirweynaha waxaa ugu horreyn khudbad ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Xildhibaan Maxamed Soomaali oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) iyo doorka ay ku leeyihiin dhismaha dowlad casri ah. Wasiirku wuxuu sharaxay aragtida guud ee qorshaha, mudnaanta la siinayo nidaamyada mideysan, iyo baahida loo qabo fulin leh jadwal cad iyo natiijooyin la cabbiri karo.

Related posts

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

August 23, 2026

Intaas kadib, Wasiirku wuxuu kusoo dhaweeyay Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo si rasmi ah u furay shirweynaha.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladdu ay ka goโ€™an tahay dhismaha kaabayaal dijitaal oo mideysan, ammaan ah, isla markaana fududeynaya helitaanka adeegyada dowladeed, isaga oo xusay in DPI ay laf-dhabar u noqon doonto hannaanka dowladnimo ee ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan.

Shirweynahan wuxuu astaan u yahay isbeddel istaraatiiji ah oo dalka ka saaraya mashruucyo dijitaal oo kala goโ€™an, kuna hagaya nidaam qaran oo isku xiran oo leh jihayn mideysan. Ma aha kulan ku eg hadal iyo aragti is-weydaarsi, balse waa bilow rasmi ah oo lagu dhisayo kaabayaal dijitaal oo waara.

Intii uu socday shirka, waxaa la qabtay doodo furan iyo soo jeedino wax ku ool ah oo ay ka dhiibteen masโ€™uuliyiinta dowladda, bangiyada, shirkadaha isgaarsiinta, khubaro tiknoolajiyadeed iyo wakiillo ka socday hayโ€™adaha caalamiga ah. Doodahaasi waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loo dardargelin lahaa sharciyeynta nidaamyada dijitaalka ah, loona hubin lahaa in kaabayaashu noqdaan kuwo loo dhan yahay oo dalka oo dhan gaara.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa la filayaa inuu noqdo saldhigga qorshe Qaran oo mideysan, kaas oo Soomaaliya u horseeda horumar dijitaal oo la jaanqaadi kara isbeddelka tiknoolajiyadeed ee caalamka.

Previous Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hayโ€™adda WFP ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

August 23, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee...

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
0

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฑ-๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In