Sunday, August 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shirweynaha Cuntada 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Duqa Degmada Gaalkacyo oo kormeeray Suuqayada iyo meelaha biyo farriisadka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay shirwaynaha cuntada iyo nafaqada oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kulanka, ayaa looga hadlay helidda nidaam cunto Caafimaad leh, hagaajinta nidaamyada cunnada iyo tayeynta wax-soo saarka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo sugida Amniga,cuntada dalka, si looga weecdo baahi soo food saarta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dunida ka jiraan Abaaraha daba dheeraaday iyo xasaradaha baajiya wax soo saarka cuntada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

August 2, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

August 2, 2026

Mudane Saalax, ayaa sheegay in Soomaaliya leedahay dhul dihan iyo Wabiyo waraabin kara haddii si fiican loo qorsheeyo ka faa’iidaysiga khayraadka dhulka, isagoo intaa ku daray in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay taabagalinta siyaasadda furfuran oo dhiirrigelineysa saamileyda wax soo saarka cuntada.

Shirka waxa ka soo qayb galay Wasaaradaha Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Caafimaadka, Ganacsatada saamaaya wax soo-saarka iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhinacdyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalah.

Previous Post

Duqa Degmada Gaalkacyo oo kormeeray Suuqayada iyo meelaha biyo farriisadka ah

Next Post

Guddiga gaarka ah arrimaha Xabsiga dhexe ee Xamar ee Golaha Shacabka oo la kulmay Duqa Caasimadda

Next Post
Guddiga gaarka ah arrimaha Xabsiga dhexe ee Xamar ee Golaha Shacabka oo la kulmay Duqa Caasimadda

Guddiga gaarka ah arrimaha Xabsiga dhexe ee Xamar ee Golaha Shacabka oo la kulmay Duqa Caasimadda

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa ka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay Shirka Dardargelinta Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Gancsiga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay Shirka Dardargelinta Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Gancsiga

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirka Dardargelinta Istiraatiijiyadda iyo...

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn uga qayb gashay aaska hobolkii weynaa ee Axmed Cali Cigaal

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn uga qayb gashay aaska hobolkii weynaa ee Axmed Cali Cigaal

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si weyn uga qayb galay aaska loo sameeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In