Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo furay Shirweynaha Dib-u-qaabeynta Waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in faqriga, caafimaad darrada iyo siyaasadda gurracan ay tahay astaanta dadka heerkooda aqooneed uu hooseeyo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in dalalka dib-u-dhacay ee aysan ka jirin wax horumar ah ay sabab u yihiin dadkooda oo aqoontoodu ay hooseyso, si ay ummadi horumar u gaartana ay lagama maarmaan tahay in kor loo qaado aqoonta dadka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Saalax ayaa xusay in afar milyan oo muwaadin Soomaaliyeed ah oo gaaray da’da waxbarashada aysan xiligaan haysan waxbarasho, si caqabadahaas looga gudbana ay xukuumadda DanQaran bilowday qorshe ballaaran oo lagu howlgelinayo ugu yaraan 120 kun oo macallim, iyada oo kor loo qaadayo miisaaniyadda ay dowladdu waxbarashada u qoondeysay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Machadka Heritage iyo Jaamacadda City mudnaanta ay siinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dadka Soomaaliyeed, si ay dadkeennu u noqdaan kuwa leh aqoon ay horumar ku gaaraan, isla markaana ay kula soo baxaan kheyraadka dihan ee dalkeenna Eebe ku manneystay.

Previous Post

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Next Post

Somali Prime Minister meets with the US President

Next Post
Somali Prime Minister meets with the US President

Somali Prime Minister meets with the US President

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In