Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Arrimaha gudaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 1, 2017
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Arrimaha gudaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa Ayaa Maanta Xilka Ku wareejiyey  Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Siciid Faarax Juxa ,waxana munaasabada xil wareejinta ka Qayb galey  R/wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha guud ee  Qaranka iyo Gar yaqaanka Guud ee Qaranka.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadley Wasiirkii hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Mudane Xildhibaan C/raxmaan Maxaqmed Xuseen Odowaa waxaana  uu sheegay In intii uu xilka hayey Wasaaradiisa ay ku guuleysatey arrimo badan oo ugu horeyso Dhismaha Maamul Gobaleedyada dalka.

Cabdii Faarax Siciid Juxa Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha Federalka iyo Dib U heshiisiinta oo halkaasi ka hadley ayaa waxaa uu uga mahad celiyey Wasiirkii hore in uu meel fiican uu soo gaariisey Wasaaradd,a isagoo  intaa ku daray in Horumarka Wasaaradda io waxyaabaha ay ku talaabsatay uu dhankiisa Ka sii wadi doono.

Mahdi Maxamed Guuleed R/ wasaare Ku xigeenka Dalka oo goobta ka hadley ayaa uga mahadceliyey Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax qabadkii Wasaaradaasi uu gaarsiiyey iyo sidii ay uga soo shaqeeyeen Dhismihii qaar ka mid ah maamul Gobolleedyada Dalka.

Dhanka kale Wasiiraka Cusub Wasaaradda arrimaha Gudah,  Federalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa waxaa uu kormeer ku tagey xaruntii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taala Degmada Boondheere, isagoo sheegay in Wasaaradiisa ay ka shaqeyn doonto sidii Xaruntaasi dib u dhis loogu sameyn lahaa, waxaana uu ka codsadey bulshada Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobalka Banaadir in ay gacan ku siiyaan Dhismaha Xaruntii hore ee Wasaaradda.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay”

Next Post

Wasiirka Boostada oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

Next Post

Wasiirka Boostada oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In