Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Hay’adda SoDMA “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 16, 2023
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Hay’adda SoDMA “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo ka hadlay munaasibadda ayaa ku bogaadiyay Madaxda Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka hawlaha baaxadda leh ee ay qabteen, muddada sannadka ah ee ay jirtay iyo sida ay heeganka ugu jiraan inay taakuleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Sannadkii hore bishii Ogoosto ayay Xukuumadda Dan-Qaran dib u hawl-gelisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, si looga badbaado macaluul iyo abaaro baahsan oo dalka markaas ka jiray.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada Hay’adda inay doorkooda ka qaataan dagaallada lagula jiro khawaarijta, iyagoo xoogga saaraya dhinacyada xasilinta iyo taageerada dadka ku nool deegaannada laga xoreeyey cadowga.

 




Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xarigga ka jaray Ceel uu ka hirgeliyay deegaanka Daaru-nimca

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub 

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub 

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In