Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Bani’aadannimo ee dalka (HNRP 2026), kaas oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, OCHA iyo bah-wadaagta gargaarka bani’aadannimo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshahaani uu yahay qorshe qaran oo ka tarjumaya hoggaaminta Dowladda ee ka-jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo, xilliyada ay dalka ka jiraan abaaraha iyo duruufaha kale ee ay ka mid yihiin abaar daran, colaado, barakac iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Mudane Jibriil, ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u ansixisay qorshahan, isla markaana Hay’adda SoDMA loo xilsaaray hoggaaminta iyo isku-duwidda dhammaan hawlaha bani’aadannimo ee dalka, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka u baahan si hufan, caddaalad iyo isla-xisaabtan leh.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay bah-wadaagta caalamiga ah, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada iyo deeq-bixiyeyaasha in ay xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin Dowladda, isla markaana ay ka qeyb-qaataan taageerada degdegga ah si loo hirgeliyo HNRP 2026, loogana gudbo baahiyaha taagan loona xoojiyo adkeysiga iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada.











