Friday, July 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Bani’aadannimo ee dalka (HNRP 2026), kaas oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, OCHA iyo bah-wadaagta gargaarka bani’aadannimo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshahaani uu yahay qorshe qaran oo ka tarjumaya hoggaaminta Dowladda ee ka-jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo, xilliyada ay dalka ka jiraan abaaraha iyo duruufaha kale ee ay ka mid yihiin abaar daran, colaado, barakac iyo saameynta isbeddelka cimilada.

Related posts

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026

Mudane Jibriil, ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u ansixisay qorshahan, isla markaana Hay’adda SoDMA loo xilsaaray hoggaaminta iyo isku-duwidda dhammaan hawlaha bani’aadannimo ee dalka, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka u baahan si hufan, caddaalad iyo isla-xisaabtan leh.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay bah-wadaagta caalamiga ah, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada iyo deeq-bixiyeyaasha in ay xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin Dowladda, isla markaana ay ka qeyb-qaataan taageerada degdegga ah si loo hirgeliyo HNRP 2026, loogana gudbo baahiyaha taagan loona xoojiyo adkeysiga iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada.

Previous Post

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

Next Post

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Next Post
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
0

Munaasabad lagu xusayay 66-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda iyo Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In