Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee U-adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo labo cisho ah.
Shirweynahan sanadkan waxa uu diiradda saaraya mowduuca: “Doorka Bulshada ee la Tacaalida Masiibooyinka iyo Isbeddelka Cimilada.” Waxaa si wadajir ah u martigelinaya Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, iyadoo taageero laga helayo Hay’adda Plan International.
Shirka waxaa ka qeyb galaya wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha SoDMA, hoggaanka Jaamacadda Muqdisho, iyo boqolaal marti sharaf ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada.