Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo ka qayb-galay xil wareejinta Hanti dhowrka qaranka-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo ka qayb-galay xil wareejinta Hanti dhowrka qaranka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Hanti dhowraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo dhawaan la magacaabay, waxaana xilka ku wareejiayay ku simaha Hanti dhowraha Qaranka Cali Abuukar Axmed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow, ayaa sheegay in uu si wayn ugu farxsan yahay magacaabista Hanti dhowraha, maadaama uu yahay nin dhalinyaro ah, sidoo kalena aqoon badan u leh shaqadda loo dhiibay, waxuuna balan qaaday in ay si dhow uwada shaqeyn doonaan Wasaaradda Maaliyadda iyo xafiiska Hanti dhowrka dalka.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) Hanti dhowraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu ku farxsan yahay xilka loo dhiibay iyo shaqadda uu dalkiisa iyo dadkiisa u qaban doona, waxuuna u mahed celiyay madaxda qaranka kuwaa soo u gartay in uu maamulo hantidda shacabka, sidoo kale waxuu iftiimayay in uu wax wayn ka badali doona wada shaqaynta dawladda iyo xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Hanti dhowraha Qaranka, waxuuna cadayay in uu yahay mas’uul khibarad dheer u leh xilka loo magacaabay in muddo ahna ku soo shaqeyay, wuxuuna tilmaamay in uu aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uga faa’iidaynayo dalkiisa.

Sidoo kale waxuu sheegay in dawladdu ay biliaabi doonto barnaamijyo lagu falanqeynayo waxqabadka xukuumadda si looga dooddo waxyaabahii aan la qaban kuwaa soo ku jiray qorshaha xukuumadda, Hanti dhowruhuna waxuu ka qaadanayaa qaybta ugu muhiimsan.

“Xukuumaddu waxay bilowday la dagaalanka musuq-maasuqa oo muhiimad wayn u leh nidaamka uu dalku ku shaqeynayo, waxaana dawladda sal u ah isla xisaabatan furan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kula dardaarmay hogaanka cusub in uu si dhow ula shaqeyo dawladda, sidoo kalena uu la socdo dhaq-dhaqaaqa xukuumadda si loo ogaado hantida dalka shacabkana loo tuso in aan la iska boobi Karin xoolaha dawladda.

 

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo shaaciyey in ay heleen Deeqo Waxbarasho oo ….(Dhageyso).

Next Post

Guddiga difaaca ee golaha shacabka oo K/Afrika shir kaga qeybgalay-Sawirro

Next Post
Guddiga difaaca ee golaha shacabka oo K/Afrika shir kaga qeybgalay-Sawirro

Guddiga difaaca ee golaha shacabka oo K/Afrika shir kaga qeybgalay-Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In