Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo ku baaqay in bulshada ay isu gurmato

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo kulan la yeeshay hay’adaha samafalka gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo ay wehliyaan Wasiirada dastuurka , caafimaadka iyo Xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaladda Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxaana garoonka diyaaradaha magaladaasi , si weyn ugu soo dhaweeyey boqol dadweyne ah oo ku labisnaa calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kan maamulka Koofur galbeed iyo dharka hidaha iyo dhqanka Soomalida, kuwaasi oo soo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhqanka ee laga cayaaro gobolada maamulka koofur galbeed ee dalka.

Socdaalka Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ku saleysnaa sidii ay ugu kuur geli lahaayeen meelaha laga cabsida qabo inay ka dhacaan dhibaatooyinka roobabka dabeylaha wata, dar dargelinta amniga iyo wada shaqeynta shacabka iyo maamulka iyo halka uu marayo xulista baarlamaanka Maamulka Koonfurgalbeed, iyadoo wafdiga ay kulan la qaateen Odoyaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulista Xildhibaannada.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Madaxwaynaha maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Mduane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtoda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan socdaalka ay Baydhabo ku tageen wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, isagoo tilmaamay in arrimo muhiim ah ay ka wada hadleen labada dhinac.

Ra’iisulwasare ku-xigenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed looga bahan yahay in ay isku tashadaan , isla markaana ay si wada jir ah ugu diyaar garobaan ka hortaga dhibaatada ka dhalan karta roobabka dabaylaha wata ee la saadaliyey in ka di’ikaraan Soomaaliya

Dhinaca kale Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo ka mid ahayd wafdiga Ra’iisalwasaare ku-xigeenka ayaa kormeertay isbtaalka guud ee magalaada Baydhabo, halkaasi oo ay warbixin kaga dhageysatay Agaasimaha isbitaalka, maadaama malintii shalay ahayd ay Wasaaradda caafimaadka gaarsiisay adeego cafimaad.

Wasiirka caafimaadka iyo daryelka bulshada ee Xukumadda Soomaaliya Drs xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in ay wax ka qaban donaan baahida ka jirta isbitaalka Baydhabo oo ay jifeen bukaanno kala duwan oo halkaasi lagu dabiibayay.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

DAAWO SAWIRRADA:- Gabdhaha kubadda Gacanta Heegan oo ku guuleystay horyaalka kubadda gacanta

Next Post
DAAWO SAWIRRADA:- Gabdhaha kubadda Gacanta Heegan oo ku guuleystay horyaalka kubadda gacanta

DAAWO SAWIRRADA:- Gabdhaha kubadda Gacanta Heegan oo ku guuleystay horyaalka kubadda gacanta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In