Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo maalinkii labaad howla shaqo ku jooga gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaatay Hay’adaha samafalka gobolkaasi ka howlgala si ay gurmad u gaarsiiyaan suurtagalnimada haddii ay dhacdo fatahaado horleh oo saameyn ku yeesha bulshada halkaasi ku nool.
Mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafdi wakiilada hay’adaha samafalka kala hadlay dhibaatooyin ka dhalan kara fatahaadda webiga Shabeele sida ay uga qeyb qaadan karaan, isagoo ka dalbaday in hay’adaha ay mas’uuliyad iska saaraan wax u qabashada shacabka oo aysan arrintooda noqon mid af ah oo kaliya.
Cabdi Warsame oo ku hadlayay magaca hay’adaha samafalka ayaa xusay in ay u diyaar garoobeen hadii ay dhacdo fatahaado sidii ay gurmad ugu fidin lahaayeen bulshada ku nool hareeraha webiga Shabeelle.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo wafdiga la socday ayaa sidoo kale booqday Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ka mid ah ugaasyada ugu caansan gobolka Hiiraan, waxaana ay wafdiga dib gelinkii dambe ee maanta ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.