Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo kulan la yeeshay hay’adaha samafalka gobolka Hiiraan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 27, 2015
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo kulan la yeeshay hay’adaha samafalka gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  dalka oo maalinkii labaad howla shaqo ku jooga gobolka  Hiiraan  ayaa kulan la qaatay Hay’adaha samafalka gobolkaasi ka howlgala si ay gurmad u gaarsiiyaan  suurtagalnimada  haddii ay dhacdo fatahaado  horleh oo saameyn ku yeesha bulshada halkaasi ku nool.

Mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafdi wakiilada hay’adaha samafalka kala hadlay dhibaatooyin ka dhalan kara fatahaadda webiga Shabeele sida ay uga qeyb qaadan karaan, isagoo ka dalbaday in hay’adaha ay mas’uuliyad iska saaraan wax u qabashada shacabka oo aysan arrintooda noqon mid af ah oo kaliya.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Cabdi Warsame oo ku hadlayay magaca hay’adaha samafalka ayaa xusay in ay u diyaar garoobeen hadii ay dhacdo fatahaado sidii ay gurmad ugu fidin lahaayeen bulshada ku nool hareeraha webiga Shabeelle.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo wafdiga la socday ayaa sidoo kale booqday Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ka mid ah ugaasyada ugu caansan gobolka Hiiraan, waxaana ay wafdiga dib gelinkii dambe ee maanta ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay boqorka dalka Sa’udi Arabia “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay boqorka dalka Sa’udi Arabia “Sawirro”

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay boqorka dalka Sa'udi Arabia "Sawirro"

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In