Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka hadlay wax u qabashada barakacayaasha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar carte, waxaa ka qeyb galay Wasiirada Qorseynta, Howlaha Guud, Haweenka, Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday maamul goboleedyada dalka, wakiilo ka socday gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Benaadir iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhanka beni’aadanimada, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sida wax loogu qaban karo barakacayaasha Soomaaliya, iyadoo xubnihii ka socday maamul goboleedyada iyo gobolada kale ee dalka ay madasha ka sheegeen in xilligan ay muhiim tahay in wax loo qabto barakacayaasha.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Wasiirada shirka ka qeybgalay oo dhankooda kulanka hadalo ka jeediyay ayaa tilmaamay hanaanka loo marayo sidii wax loogu qaban lahaa barakacayaasha, isla markaana loo sameeyo fursado shaqo abuur ah oo ay noqdaan dad door ku leh horumarka dalka..

Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter De Clercq ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay toban kun oo doolar ay ugu yabooheyso barakacayaasha, kaasi oo loo kala qaadi doono qeybta horumarinta iyo qeybta beni’aadanimada, waxaana deeqdan ay noqon doontaa mid fursad u sineysa in dadka barakacayaasha ay fikrado keenaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in 10% dadka Soomaaliyeed ay yihiin barakacayaal, loona baahanyahay in ahmiyada koowaad la siiyo sidii wax loogu qaban lahaa, isagoo bogaadiyay barnaamijka Qaramada Midoobay ee wax loogu qabanayo barakacayasha.

Mudane Maxamed Cumar Carte Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa magacaabay guddiyo heer Wasiir iyo mid farsamo oo ka shaqeynaya siyaasadda Qaranka ee barakacayaasha, kaasi oo noqon doono hanaanka lagu hagayo wax u qabashada barakacayaasha Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa si wada jir ah la isugu raacay in waxqabad muuqdo ay la yimaadaan hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo caawiyo barakacayaasha.

 

Previous Post

Guddi hoosaad soo diyaarinaya sharci lagu ansixiniyo doorashada dadban sanadka 2016 oo kulmay

Next Post

Daawo Sawirrada: Xafladda caleema saarka madaxweynaha Jabuuti

Next Post
Daawo Sawirrada: Xafladda caleema saarka madaxweynaha Jabuuti

Daawo Sawirrada: Xafladda caleema saarka madaxweynaha Jabuuti

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In