Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyay shirka dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyay shirka dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

IMG_3119Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo maanta shir gudoominayay shirkii horumarinta iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka (SDRF Meeting) ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan qorshayaasha horumarineed ee ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Wasiirada dowadda Federaalka ah ee xubinta ka ah SDRF, ms’uuliyin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, xubno ka socday dawlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, koonfur Galbeed iyo Benadir waxa kale oo goob joog ahaa wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya iyo wakiilada dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka horumarka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

Shirka oo ah mid bile ah, oo bishiiba mar la qabto ayaa diiradda lagu saaray waxyaabaha u qabsomay dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee dhinacyada amniga, horumarka iyo adeegyada guud ee bulshada, iyadoo mas’uuliyiintii ka socday dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo maamulka gobolka banaadir ay madasha ku soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay, iyagoo xusay in howlgallo ka dhan ah Shabaabku ay fuliyeen, kaasi oo lagu guuleystay, ayna jiraan horumar dhinacyada kale laga gaaray.

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa hoosta uga xariiqay in dowladda federaalka ah ay ku tallaabsaday horumar dhinacyo badan leh.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte kulanka soo xiray ayaa ka warbixiyay siyaasadda amniga Qaranka, halka ay mareyso iyo socdaal uu dhawaan ku tegay dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaasi oo uu kala hadlay qabyo qoraalka Siyaasadda Amniga Qaranka, isagoo intaa ku daray in kulamadaasi wada tashiyada ah ay ku soo idlaadeen guulo la taaban karo.

Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xusay in horumar laga gaaray dhanka dib u eegista dastuurka oo uu marayo heer gabo gabo ah, waxaana uu intaa ku daray in sameynta Maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu si habsime leh ku socda, uuna rajo weyn ka muujiyay in lagu guuleysan doono.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhanka xuquuqda insaanka iyo sameynta sharciga ka hortagga xadgudubyada ka ah dhanka ah jinsiga, isagoo intaa raaciyay in bilaha soocda ay dalka ka dhici doonto doorashooyin, beesha caalamkana looga baahanyahay inay kaalmo ka geysato.

“1.1 milyan ayaa ka barakacday Soomaaliya, kuwaasi oo tobankiiba hal ka mid ah uu ku barakacay gudaha dalka, isbuucii la soo dhaafay waxaan la kulmay hay’adaha dhanka beni’aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay, waxaana isku afgaranay inay wax u qabtaan dadka aan kor ku soo xusay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in hanaanka doorashooyinka uu meel wanaagsan marayo, isagoo baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan.

IMG_3076  IMG_3083  IMG_3085 IMG_3086 IMG_3088 IMG_3091 IMG_3094 IMG_3096 IMG_3097 IMG_3101 IMG_3103 IMG_3105 IMG_3108 IMG_3109 IMG_3113 IMG_3115 IMG_3116  IMG_3118 IMG_3119 IMG_3125 IMG_3126 IMG_3143 IMG_3146

IMG_3150

Sawir Qaade:-Maxamed Macalin Xasan White-ka

Previous Post

Deeq lacageed oo lagaarsiiyay gabar xanuun naxdin leh ku dhacay “SAWIRRO”

Next Post

Taliska CXD oo Faahfaahiyay Howlgalka Kummaandooska Ee Shabeellaha Hoose”Sawirro”

Next Post
Taliska CXD oo Faahfaahiyay Howlgalka Kummaandooska Ee Shabeellaha Hoose”Sawirro”

Taliska CXD oo Faahfaahiyay Howlgalka Kummaandooska Ee Shabeellaha Hoose"Sawirro"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In