Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 24-May-17–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb galey shir bila’ah oo looga hadlayey qodobadii ka soo baxey shirkii London, Saameynta Abaarha iyo Arimaha Federaalismka kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Somalia Development and Reconstruction Facility Streering Committee Meeting (SDRF). Waxaana ka soo qayb galey Xubno kasocdey Golaha Wasiirada Soomaaliya, Safiirada wadamada Turkiga, Sweden, Norway, Talyaaniga, ku xigeenka UN-ka iyo madax ka socotey Maamul Goboleedyada dalka.

Waxaana kulanka shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle),Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), iyo Phill Evans Madaxa DFID ee qaybta Soomaaliya waxaana lagu falanqeeyey sidii loo maamulilahaa dhaqaalaha dalka loona dhaqan gelin lahaa Go’aanidii shirkiii London.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo faah faahiyey arimaha  ku saabsanaa shirka ayaa sheegey in looga hadlayey sidii loo dhaqan gali lahaa qodobadii ka soo baxey shirkii London iyo sidii loo hirgalin lahaa qorshaha Amniga dalka si loo qabto doorasho Qof iyo Cod ah 2020.Waxuuna intaasi ku daray in laga wada hadley qaabkii looga taabaabushan lahaa abaaraha soo noq noqda, caalamkana loo dareensiiyo inaan isku fil-naasho gaarnay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa usoo jeediyey madaxda maamul Goboleedyada inay dowlada dhaxe kala shaqeeyaan arimaha Fedaraalka si dalku ugu diyaar goroobo in lagu qabto doorasho xalaala oo shacabku ku kalsoon yahey,waxuuna codsadey in si wada jira looga shaqeeyo hormarka dalka.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo uga Mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti Taagerada ay La Garab Taaganyihiin Dowladda Soomaaliya

Next Post

(SAWIRO) Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka Qadar.

Next Post
(SAWIRO) Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka Qadar.

(SAWIRO) Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka Qadar.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In