Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo arrimo caafimaad u joogay dalka Turkiga ayaa ka baxay Isbitaalkii uu ku jiray, kadib markii 20-kii bishii Febraayo uu ku dhaawacmay Weerar naftii Halignimo ah oo Masjid ku dhex yaalla Hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kulan kula qaatay magaalada Ankara Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Numan Kurtulus, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Xoghayaha Safaarada C/qaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed Cumar Carte, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo dadweyne kale ayaa ku dukanayay salaadii jimcaha masaajid ku yaalla Hotelka gudihiisa, markii ay qaraxyada ka dhacayeen gudaha Hotelka, waxaana weerarkaas ku dhintay in ka badan 30-ruux oo isugu jiray Xildhibaano, Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo dad shacab ahaa.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo dhaawicii ka soo gaaray weerarkaas loogu qaaday dalka Turkiga ayaa tan iyo mudadaas ku jiray Isbitaalka, iyadoo xaaladiisa lala tacaalayay, waxaana dhowaan la filayaa inuu dib ugu soo laabto dalka.

Xaalada caafimaad ee Ra’iisul wasaare kuxigeenka ayaa ah mid aad u wanaagsan, isagoo ka soo kabtay dhaawac fudud oo ka soo gaaray weerarkii Hotelka Central.

cumar-1 cumar-2 cumar-3 cumar-4

Previous Post

Guddoonka Baarlamaanka Iyo Hay’adaha Taageera Oo Shir Qorsheyn Ah Uu Uga Furmay Kampala “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka iyo wafdi ay hogaamineysay oo socdaal ku tegay Jowhar

Next Post
Wasiirka Caafimaadka iyo wafdi ay hogaamineysay oo socdaal ku tegay Jowhar

Wasiirka Caafimaadka iyo wafdi ay hogaamineysay oo socdaal ku tegay Jowhar

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In