Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya oo Shir-guddoomiyay Kulanka Gudiga Qaran ee Isku Duwida Arrimaha Badaha

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya oo Shir-guddoomiyay Kulanka Gudiga Qaran ee Isku Duwida Arrimaha Badaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan si heer sare loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen Gudiga Qaran ee Isku- Duwida arrimaha Badaha oo ay ka soo qayb galeen xubnaha gudiga ee kala ah Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Dekadaha, Kaluumaysiga, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo wakiilada xubnaha dawlad goboleedyada uuna shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa looga hadlay sharciga la dagaalanka burcad badeedka iyo afduubka.

Kulankan waxaa looga dooday sharciyada heer federaal ee la dagaalanka burcadka badaha iyadoo uu sharaxaad ka bixiyay sharciga burcad badeedka Wasiirka Cadaaladda xukuumadda federaalka Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxuuna ka hadlay xeerarka qabyo qoraalka ah ee khuseeya arrimaha badaha, isagoona sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadadamada shisheeye ay u baahan yihiin in loo sameeyo sharciyadii lagu dhaqi lahaa.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Sidoo kale waxaa ka hadlay wasaarada Amniga oo ka warbixisay howlgalada wasaarada ee Qorshaha qaran ee Ciidamada Amniga xeebaha, iyadoo Wasiiru dawlaha wasaaradda Gaashaandhiga mudane Xagaa isna uu sheegay in sharciga qabyo qoraalka ah la ansixiyo si ay wasaaradaha u wada howl galaan ayna si wada jir ah uga shaqeeyaan amniga badaha. Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badaha ayaa laga dhagaystay sharciyada maraakiibta Ganacsiga ee shisheeye iyo kuwa wata calanka Soomaaliya ee been abuurka ah iyo xubinimda IMO.

Wasaaradda Kaluumaysiga ayaa sidoo kale ka warbixisay socdaalkii Wasiirka Kaluumaysiga xukuumada federaalka iyo Qorshaha qaran ee hawlaha wasaarada ee khuseeya Qorshaha qaran ee qaybsiga khayraadka kaluunka. Dhanka kale wasaarada Arimaha Dibada ayaa laga dhagaystay warbixino la xiriiro heshiisyada caalimga iyo badaheena.

Kulankan ayaa warbixino looga dhgaystay wakiilada iyo wasiirada dowlad goboleedyada sida Puntland, koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Gal-Mudug dhamaantoodna waxay ka warbixiyeen baahiyaha ay u qabaan sida loo sugi lahaa amaanka badeena iyo sidii loo samayn lahaa sharciyada heer caalami ee badaha iyo in door shariif ah ay xukuumaddu ka qaadato arrimahan xasaasiga ah.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo soo gabagabeeyay shirka ayaa ka mahad celiyay ka soo qayb galka dawlad goboleedyada iyo war bixinadii ay ka bixiyeen arrimaha la dagaalanka burcad badeedka iyo afduubka, isagoo bogaadiyay sidii ay ugu dhabar adeegeen waqtigii adkaa ee la soo maray. Sidoo kalena waxuu sheegay in dawladdu ay dar-dar galin doonto howlaha badaha,lana qaban doono doodo fara badan oo looga hadlayo Arimaha Amniga badaha.

Previous Post

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo booqday xarunta wasaaradda warfaafinta Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga XFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Boosaaso+sawirro

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga XFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Boosaaso+sawirro

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga XFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Boosaaso+sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In