Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya oo Shir-guddoomiyay Kulanka Gudiga Qaran ee Isku Duwida Arrimaha Badaha

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya oo Shir-guddoomiyay Kulanka Gudiga Qaran ee Isku Duwida Arrimaha Badaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan si heer sare loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen Gudiga Qaran ee Isku- Duwida arrimaha Badaha oo ay ka soo qayb galeen xubnaha gudiga ee kala ah Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Dekadaha, Kaluumaysiga, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo wakiilada xubnaha dawlad goboleedyada uuna shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa looga hadlay sharciga la dagaalanka burcad badeedka iyo afduubka.

Kulankan waxaa looga dooday sharciyada heer federaal ee la dagaalanka burcadka badaha iyadoo uu sharaxaad ka bixiyay sharciga burcad badeedka Wasiirka Cadaaladda xukuumadda federaalka Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxuuna ka hadlay xeerarka qabyo qoraalka ah ee khuseeya arrimaha badaha, isagoona sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadadamada shisheeye ay u baahan yihiin in loo sameeyo sharciyadii lagu dhaqi lahaa.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Sidoo kale waxaa ka hadlay wasaarada Amniga oo ka warbixisay howlgalada wasaarada ee Qorshaha qaran ee Ciidamada Amniga xeebaha, iyadoo Wasiiru dawlaha wasaaradda Gaashaandhiga mudane Xagaa isna uu sheegay in sharciga qabyo qoraalka ah la ansixiyo si ay wasaaradaha u wada howl galaan ayna si wada jir ah uga shaqeeyaan amniga badaha. Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badaha ayaa laga dhagaystay sharciyada maraakiibta Ganacsiga ee shisheeye iyo kuwa wata calanka Soomaaliya ee been abuurka ah iyo xubinimda IMO.

Wasaaradda Kaluumaysiga ayaa sidoo kale ka warbixisay socdaalkii Wasiirka Kaluumaysiga xukuumada federaalka iyo Qorshaha qaran ee hawlaha wasaarada ee khuseeya Qorshaha qaran ee qaybsiga khayraadka kaluunka. Dhanka kale wasaarada Arimaha Dibada ayaa laga dhagaystay warbixino la xiriiro heshiisyada caalimga iyo badaheena.

Kulankan ayaa warbixino looga dhgaystay wakiilada iyo wasiirada dowlad goboleedyada sida Puntland, koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Gal-Mudug dhamaantoodna waxay ka warbixiyeen baahiyaha ay u qabaan sida loo sugi lahaa amaanka badeena iyo sidii loo samayn lahaa sharciyada heer caalami ee badaha iyo in door shariif ah ay xukuumaddu ka qaadato arrimahan xasaasiga ah.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo soo gabagabeeyay shirka ayaa ka mahad celiyay ka soo qayb galka dawlad goboleedyada iyo war bixinadii ay ka bixiyeen arrimaha la dagaalanka burcad badeedka iyo afduubka, isagoo bogaadiyay sidii ay ugu dhabar adeegeen waqtigii adkaa ee la soo maray. Sidoo kalena waxuu sheegay in dawladdu ay dar-dar galin doonto howlaha badaha,lana qaban doono doodo fara badan oo looga hadlayo Arimaha Amniga badaha.

Previous Post

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo booqday xarunta wasaaradda warfaafinta Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga XFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Boosaaso+sawirro

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga XFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Boosaaso+sawirro

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga XFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Boosaaso+sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In