Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS ayaa Soo Xiray Shir Weyne Sanadeedka 2-aad ee U-adkeysiga Aafooyinka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS ayaa Soo Xiray Shir Weyne Sanadeedka 2-aad ee U-adkeysiga Aafooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 05, Dec, 2016….Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Maxamed Cumar Cate ayaa maanta soo gunaanaday shir looga tashanayey u adkaysiga afooyinka oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda, wakiilo ka socday maamulada goboladda, Hay’adaha Samafalka, iyo khabiiro dhanka beeraha iyo xoolaha ah.

Ugu horayntii Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka u adkaysiga Afooyinka Cabdi Axmed Baafo oo soo qaban qaabiyey shirka ayaa sheegay in shirkaan qaybtiisii hore ay Soomaalidu si adag ugu hadashay sidii loo samayn lahaa isku xir guud inta aysan dhicin afooyyinku.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Halku dhiga Sanadkaan aan dooranaya ayaa ahaa “Awood isugu gaynta barnaamijyo wax ka taraya abaaraha soo noq noqda” waana arin lagu farxo in maanta Soomaaliya ka tashanayso sidii loo samayn lahaa isku xir guud oo laga yeelanayo u adkaysiga afooyinka iyo masiiboyinka dabiiciga ah, shirka qaybtiisi hore waxaa ku kulmay wakiilada ka socday dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana isla garanay in lagama maarmaan tahay in wax weyn laga badalo qaabka hada loo shaqeeyo oo ah in lagu baraarugo masiibooyinka iyagoo dhacay, lalana yimaado isku xir guud iyo diyaar garow dhanka u adkaysiga afooyinka” ayuu yiri Baafo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo ka soo qayb galay xirtaanka shirka ayaa sheegay in sanadkaan dalka ay ka jiraan abaaro aad u daran, oo saamayn lixaad leh ku yeeshay dadka iyo duunyadaba.

“Dalka waxaa ka jira abaaro aad u daran oo mudo dheer soo noq noqonayey, waxaa hada la qiyaasayaa in 50 % wax ka yar ay roobabku dalka ka da’ayaan, xoolihii baadkii ayaa  ka sii dhamanaya, dadkana cuntada gaaabsi ku ah, markii sidaan wax u  dhacaan ayaan baraarugnaa, waxaa hada dolwadu wadaa qorshe qaran oo qayb ka ah ka hortaga afooyinka, abaartu markay dhacdo waxaa la samayn karaa gurmad, waxayna qaadanaysaa mudo sidii looga soo kabsan lahaa, waxaan loo baahan isku xirka dowlada faderaalka iyo dowlad goboleedyada, maanta waxaa muuqata in uu jiro isu soo dhawaansho dhanka wada shaqaynta ah” ayuu yiri RW ku xigeenku.

Ugu danbayntii shirkaan oo socday mudo sadex maalin ah ayaa gaba-gabdii laysku raacay:

 

  • In shirarka isku xirka maamulada iyo dowlada dhexe marba gobol lagu qabto, kan ugu horeeyana uu ka dhacco bisha Maarso magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle,
  • In sadexdii boloodba mar laysugu yimaado shir noocaan ah.
  • In u adkaysiga afooyinka lagala xiriiro Wasaaraddaha Qorshaynta ee heer maamul goboleed iyo mid Federaal.
  • In Soomaalidu isku tashato oo miisaaniyadda ku baxaysa shirarkanoo kale ay bixiyaan maamulada gobolada iyo dowladda dhexe, si ay u noqoto wax Soomaalidu leedahay ah.
  • In Wasaaradaha Qorshayntu ee heer maamul goboleed iyo mid federal ay keenaan mashaariic qaran ee la xiriira u adkaysiga afooyinka.
  • In la dhiso awooda hay’adaha heer faderaal iyo heer maamul gooleed ee u adkaysiga Afooyinka.

IMG_5336 IMG_5297 IMG_5323 IMG_5278 IMG_5271 IMG_5248 IMG_0651 DSC00024 DSC00044 DSC00002

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaan Eng, Cabdiqaadir Carabow oo sheegay in uu gacan ka geysan doono horumarka dalka “Dhageyso”

Next Post
Xildhibaan Eng, Cabdiqaadir Carabow oo sheegay in uu gacan ka geysan doono horumarka dalka “Dhageyso”

Xildhibaan Eng, Cabdiqaadir Carabow oo sheegay in uu gacan ka geysan doono horumarka dalka "Dhageyso"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In