Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-

BAAQ NABADEED

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Marka hore, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay bannaanbaxii ka dhacay magaalada Boorama. Ilaahay ha u naxariisto dhammaantood, Jannada Fardowsana ha ka waraabiyo.

Sidoo kale, waxaan dadka ku dhaawacmay mashaqadaas murugada leh Ilaahay uga baryayaa caafimaad degdeg ah. Waxaa hubaal ah in dhacdadaasi ahayd mid laga baaqsan karay, isla markaana aan waafaqsanayn dhaqanka nabadeed ee gobolkaasi caan ku ahaa.

Nabadda lagu majeerto deegaannada Somaliland waxay ka soo unkantay gobolka Awdal. Nabadda, horumarka, iyo aqoonta ay ku suntan yihiin guud ahaan deegaannada Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal, ayaa suurtagelisay in kumannaan Soomaali ah oo dalka iyo dibaddaba ka yimid ay aqoon u soo kororsadaan.

Maamulka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan isu soo dhowaanshaha dadka, tabashooyinkana lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul. Waxaa muhiim ah in khaladaadkii dhacay laga bixiyo garnaqsi cad si loo ilaaliyo xasilloonida.

Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada, dhallinyarada, iyo haweenka inay u midoobaan sidii ay u ilaalin lahaayeen nabaddooda, una xoojin lahaayeen wada noolaanshaha.

Saalax Axmed Jaamac (Saleh Jame)
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya Oo Baaq Kasoo Saartay Qalalaasihii Boorama

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In