Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyay Wefdigii iyo Qareennadii Soomaaliya ku matalayay difaaca badda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyay Wefdigii iyo Qareennadii Soomaaliya ku matalayay difaaca badda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay wefdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga go’aanka maxkamadda ICJ ee baddeenna, ayaa ku bogaadiyay shaqadii ay Qaranka u qabteen, isagoo sidoo kale u mahad celiyay qareennadii difaacayay badda, madaxdii dalka soo maray iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Marka hore waxaan rabaa inaan soo dhaweyno go’aankii Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, go’aan dhaxal gal ah oo taariikhda gashay ayuu noqday, waxaan kaloo rabaa inaan idinka idin hambalyeeyo, farxad ayay maanta ii tahay inaan teamkii soo halgamay, muddo badana howshan ku soo jiray aan u mahadceliyo, la’aantiin maanta meesha aan joogno ma gaareyn dadaal, karti iyo hufnaanta aad muujiseen aad ayaan ugu faraxsanahay, anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed waxaan idin leeyahay Hambalyo Hambalyo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed dhankooda uga mahadceliyay kaalinta ay ku lahaayeen guusha baddeena laga gaaray,

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tacsi u diray Eng, Saalaxi oo door weyn ku lahaa kiiska dacwadda baddeenna, isagoo Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo. Isagoo sidoo kale u mahadceliyay Muna Sharmaan oo iyana bilowga kiiskan qeyb libaax leh ka qaadatay.

“Waxaan kaloo u mahadcelinayaa dowladan tii ka horeysa ee Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa Aabihii geeyay kiiskaas Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague, oo bilowgeeda uu isaga lahaa waan uga mahadcelineynaa, maanta guusha lagu joogana isagaa hormuud u ahaa, Sidoo kale Madaxweynaheena Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagana maanta soo gaarsiiyay meesha guusha ay maanta taalo, Alle ka sokow isagana waan uga mahadcelineynaa, Dowladdii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Baarlamaankiisa oo runtii qeyb lixaad leh ka soo qaatay howshan ayaa rabaa sidoo kale iyagana inaan u mahadceliyo, sidoo kale dadkii kale ee ka soo qeyb qaatay oo ay ku jirto Wasiir Fowsiya Xaaji Aadan, iyadana waan u mahadcelineynaa, intii aan ka tegayna waad mahadsantihiin ayaan idin leeyahay”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Previous Post

Kulan looga hadlayay kaalinta Haweenka ee Nabadda oo lagu qabtay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay xafiiska Waaxda Dhisma-Wadaaga “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay xafiiska Waaxda Dhisma-Wadaaga “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay xafiiska Waaxda Dhisma-Wadaaga “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In