Ra’iisul Wasaare Rooble “Waxaan bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn, halkaas oo ay shacabku saaka u dareereen in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan wakiilladooda.
Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan.”