Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo casho Sharaf loogu sameeyay Cadaado+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo casho Sharaf loogu sameeyay Cadaado+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Cadaado uga qeyb  galay casho Sharaf loo sameeyay oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Galmudug iyo guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa Ra’iisul Wasaaraha  iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay munaasabadda iyo guud ahaan Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maamulka iyo shacabka Galmudug guud ahaan, gaar ahaanna reer Cadaado uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo casho sharafta, isagoo ballan qaaday in xukuumaddu wax ka qabaneyso codsiyada reer Cadaado ee ku aaddan dhinacyada horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed xuseen Rooble ayaa casho sharafta ka dib kulammo la yeeshay dhallinyaro iyo waxgarad ka socday Gallinsoor oo u yimid soo dhaweyntiisa iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka. Waxa uu dhammaantood uga mahadceliyay soo dhaweynta, waxa uuna kula dardaarmay inay joogteeyaan kaalintooda dhismaha dowladnimada iyo nabadda Galmudug.

Tags: Ra’iisul Wasaare Rooble oo casho Sharaf loogu sameeyay Cadaado+Sawirro
Previous Post

Qaramada Midoobe iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xaalada qaxootiga ku sugan waqooyiga dalkaas

Next Post

Xukuumadda oo $200 oo kun ku bixinaysa dayactirka wadada Laamiga ah ee Cadaado dhex marta

Next Post
Xukuumadda oo $200 oo kun ku bixinaysa dayactirka wadada Laamiga ah ee Cadaado dhex marta

Xukuumadda oo $200 oo kun ku bixinaysa dayactirka wadada Laamiga ah ee Cadaado dhex marta

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In