Wednesday, February 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cusbitaal Madiina ku booqday dhaawacyada dhallinyaradii ku dhaawacantay qarixii argagixisanimo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cusbitaal Madiina ku booqday dhaawacyada dhallinyaradii ku dhaawacantay qarixii argagixisanimo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii bahalnimo ee argagixisadu ay ku beegsadeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo u soo istaagay difaaca dalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhallinyaradan, iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

February 3, 2026
Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

February 3, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda ka difaacaan argagixisada, aysanna ka hor istaagi karin falalkan fuleynimada ah ee cadowgu ay soo maleegayaan kamiro hiigsigooda ciidan iyo xoreynta dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan bartilmaameedka ka dhigtay gumaadka iyo ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan arxan darrada ah.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay Marxuum Jeneraal Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi dheere)

Next Post

SNA destroyed the group’s main food store in central Somalia which was located near Mahas district in Hiiraan region

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo khasaare lixaad leh gaarsiiyey  Argagixisada Al-shabaab

SNA destroyed the group’s main food store in central Somalia which was located near Mahas district in Hiiraan region

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday...

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

February 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa maanta shir heer...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Switzerland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Switzerland

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo ku celisay inay ahmiyad siineyso wada-hadal Qaran

February 3, 2026
0

Dowladda Soomaaliya War-saxaafadeed ay soo saartay markale ku celisay inay ahmiyad siineyso wada-hadal Qaran Screenshot  

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In