Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay Marxuum Jeneraal Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi dheere)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Jeneraal Cabdi Maxamed Samatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, Wasiiru dowlaha Mudane Balal Maxamed Cusmaan, Wasiir kuxigeenka Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Jeneraal Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi dheere), oo ahaa sarkaal boolis oo ka badbaadiyay boob iyo burburin keydka waraaqaha iyo dukumintiyada Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo maanta oo Talaado ah, 15 June, 2021 ugu geeriyooday Caasimadda Muqdisho xaalad caafimaad darro oo la soo gudboonaatay muddooyinkii dambe ee noloshiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa u dalacsiiyay Cabdi Dheere darajada Jeneraal bishii July 4, 2018 kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada “Villa Somalia”.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Marxuum Cabdi Dheere oo hore uga mid ahaa ilaaladii booliska ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya ugu xilsaarnaa amniga xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dadaal ballaaran ku bixiyay difaacidda xarunta Wasaaradda markii ay burburtay dowladda sanadkii 1991.

Jeneraal Cabdi dheere oo dhaawac uu ka soo gaaray badbaadintiisii Arkiifiyada Wasaaradda oo yaallay dukumintiyada Wasaaradda Arrimaha Dibadda tan iyo maamulkii daakhiliga iyo wixii ka dambeeyay markii Soomaaliya ay gobonnimada qaadatay ayuu la itaal daraynayay sanadihii dambe.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday da’da 67 sano-jir , isagoo ku dhashay Degmada Gelinsoor ee Gobolka Mudug , kuna biirray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkii 1975, waxaana uu ifka kaga tagay labo xaas iyo 5 caruur ah oo kala ah labo hablood iyo seddex wiil.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cusbitaal Madiina ku booqday dhaawacyada dhallinyaradii ku dhaawacantay qarixii argagixisanimo “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cusbitaal Madiina ku booqday dhaawacyada dhallinyaradii ku dhaawacantay qarixii argagixisanimo “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cusbitaal Madiina ku booqday dhaawacyada dhallinyaradii ku dhaawacantay qarixii argagixisanimo "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In